
City ayaa waxa ay ka mid tahay kooxaha doonayay weeraryahanka Arsenal Robin van Persie iyadoo sidoo kale ay doonayaan weeraryahankaas kooxaha Manchester United iyo Juventus.
Kooxda Man City ayaa waxa ay u wareegatay meelo kale iyadoo mid kamid ah mas’uuliyiinteeda Biran Marwood uu jecel yahay in weeraryahanka reer Argentine Higuain la keeno kooxda.
Higuain ayaa waxaa sidoo kale doonaya Chelsea iyo Tottenham balse naadiga boorsada weyn ee Man City ayaa awood u leh in ay lacag kaga guuleysato labadaas koox.
Si kasta ha ahaatee Mancini ayaa doorbidaya Van Persie hase ahaatee Van Persie ayaan jecleyn in uu ku biiro koox ay hore Gunners cadaawad uga dhexeysay.
Higuain ayaa waxaa uu dadaal u galay in uu mar walba boos joogta ah ka helo Madrid xilli ciyaareedkii hore inkastoo Jose Mourinho uu jecel yahay in uu weeraryahanka la sii joogo, waxayna u muuqataa Karim Benzema in uu yahay mid bedeli kara.
Si kasta ha ahaatee, City haddii ay la soo wareegeyso Higuain waxa ay u baahan tahay in ay iska iibiso mid kamid ah weeraryahanadeeda lacagta badan qaata si ay u fuliso sharciyada UEFA ee dhinaca maaliyada.
Emmanuel Adebayor ayaa u muuqda in uu si rasmi ah ugu wareegayo Tottenham balse heshiiska labada dhinac ayaa waxaa uu qarka u saaran yahay in uu u burburo sababo la xiriirta mushaarka uu dalbanayo weeraryahankan oo gaaraya £150,000-toddobaadkii.
Carlos Tevez waa weeraryahan kale oo laga yaabo inuu ka tago kooxda sidoo kale waxaa dhici karta in weeraryahanka la iska iloobay ee Roque Santa Cruz – kuna fadhiya lacag dhan £17m in ay iska iibiso.