
Manchester City ayaa hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 27aad iyadoo uu gool shabaqa ku hubsaday xiddiga reer Italy Mario Balotelli, lakiin goolkaasi waxaa iska beenisay Man City markii uu kubad shabaqa iska cusjiyay ciyaaryahan Gareth Barry taasoo ciyaarta ka dhigtay barbaro.
Kolarov ayaa hogaanka u soo celiyay City saacad markii ay ciyaarta socotay, lakiin hadana hogaankaasi ma uusan waarin, iyadoo Agbonlahor uu dhaliyay goolkii barbaraha daqiiqadii 70aad.
90kii daqiiqo ee ciyaartii Etihad Stadium ayaa ku dhamaatay barbaro 2-2 ah, lakiin waxaa lagu daray 30 daqiiqo si labada kooxood loogu kala saaro kooxdii u soo gudbeysa Capital One Cup wareegiisa afaraad.
Daqiiqadii 96aad ayaa Aston Villa ay hogaanka ciyaarta qabatay markii ugu horeysay markii Zogbia uu gool u dhaliyay.
Waxaana Manchester City quusiyay ciyaaryaahn Agbonlahor oo goolkiisii labaad ee ciyaarta dhaliyay daqiiqadii 113aad, isagoo u sahlay inay kooxdiisa Etihad Stadium ku garaacday Manchester City islamarkaana ay u soo gudbaan wareega 4aad ee koobka League Cup.
Manchester City ayaa haatan si rasmi ah uga hartay koobkaan loo aqoon jiray Carling Cup.