
Aguero ayaa furay goolka ugu horeeya, isagoo si wacan uga soo shaqeeyay islamarkaana seddex ruux la soo dhaafay kubada ka hor inta uusan dabamarin goolhaye Mohd Farizal Marlias.
Ciyaaryahanka reer Argentina ayaa sidoo kale kubad u dhex bixiyay Carlos Tevez, kaasoo si fiican u dhameystiray labo daqiiqo markii ay socotay qeybtii labaad ee ciyaarta.
Aguero ayaa sidoo kale ahaa injineerka goolkii seddexaad isagoo u dhaigay Adam Johnson oo shabaqa ka hubsaday, ka hor inta uusan xiddigaha Malaysia gool u dhalin Azamuddin Akil ka dib qalad uu sameeyay Pablo Zabaleta.
Tababare Roberto Mancini ayaa ciyaartii labaad oo isku xigta ku soo gelaya daafac dhexe oo seddex ah, waxaana lagu soo waramayaa inuu tijaabinayo qaab ciyaareedkaas madaama uu filanayo inuu Roma ka soo iibsado Daniele De Rossi.