
Kooxda martida loo ahaa ayaa goolka koowaad ciyaarta ku daahfurtay kadib markii uu darbad uu soo tuuray Jan Schlaudraff uu dhamaystirey Artur Sobiech iyadoo shabaqa United gees ka gashay.
Dabaaldegii Hannover waxbadan kama soo wareegan lix daqiiqo kadib ayaa Man United waxa ay heshay goolkeedii ugu horeeyey waxaana darbad xoog leh oo uu Rooney shuuday soo tufay goolhaye Zieler waxaana si fudud u dabamariyey Hernandez.
Labada kooxba waxa ay sameeyeen bedelo nasashadii ciyaarta waxana markii ay qeybtii dambe bilaabatay markale hogaanka qabtay Hannover kadib markii ciyaarta oo toban daqiiqo socotay uu kubbada madaxa ku dhaliyey Karim Haggui kaasoo daba marsiiyey goolhayaha reer Spain David de Gea oo bedel ku soo galay qeybtii dambe ee ciyaarta.
Kooxda Hannover ayaa waxa ay garsoorihii ciyaarta ku qeyliyeen in qalad laga galay ciyaaryahankooda Steve Cherundolo uu ahaa mid rigoore ah hase yeeshee wuu ka diidey garsoorihii ciyaarta dhexdhexaadinayay.
Balse shan daqiiqo kadib ayay gool kale heleen kooxda martida loo ahaa waxaana u dhaliyey Mohammed Abdellaoue kadib markii uu kubbad baas ah ka helay Lars Stindl waxana uu Mohammed cirib ku dabamarsiiyey goolhaye De Gea waxayna ciyaarta ka dhigtey 3-1.
Hase ahaatee Man United ayaa dadaal badan sameysey waxaan u suurtogashay in ay gool helaan kadib markii uu bullizione u laaday Rooney kaasoo u bedeley gool. Wax yar kadibna Rooney ayaa kubbada qurux badan la dhaafay goolhayaha Hannover oo isagana qabtay Rooney waxaana loo dhigey Rigoore uu Rooney laaday taasoo ka dhigtey ciyaarta barbaro 3-3 ah.
Mar kale ayaa hadana Rooney kubbad uu u dhigay Kagawa waxaa ay noqotay mid uu Kagawa ka dhaliyo goolkii afaraad oo ciyaarta ku soo afjarantay.
Sidaa ayay Man United ugu soo qatintay kulamadii saaxibtinimo guul ay ka soo gaartay dalka Jarmalka.