
Kooxda ka dhisan Premier League ayaa lagu qasbay inay u dhaqdhaqaaqaan xilli hore ka dib markii ay ka war heleen in Arsenal ay sidoo kale xiiso xoog leh u heyso ciyaaryahanka khadka dhexe.
Wararka ka soo baxaya Jarmalka maanta ayaa sheegaya in United ay sameysay dalabkeedii ugu horeeyay, halka ilo kale ay u xaqiijiyeen shabakada Goal.com in kooxda ay si rasmi ah ugu dhaqaaqday saxiixa ciyaaryahanka reer Japan.
United ayaa la rumeysan yahay inay rajo ka qabto inay heshiiska dhaqso soo gabagabeyso, lakiin waxaa sidoo kale la aaminsan yahay in Arsenal iyadana laga yaabo inay dalab kale u gudbiso Dortmund.
Kagawa ayaa hal sanno kaliya ay uga hartay qandaraaskiisa, waxaana kooxda Bundesliga ka dhisan ay sheegeen inaysan wadada ka horistaagi doonin hadii uu dalabyo u yimaado xagaagan.