
Anderson ayaa United ku jahwareeriyay horumar la’aantiisa tan iyo intii uu kooxda ku soo biiray 2007dii, waxaana wadahadalo dhacay xagaagii looga hadlay in la iska iibiyo 24 jirkaan, iyadoo Benfica iyo Tottenham lala xiriiriyay.
United ayaa dooneysa inay inta ugu badan 18kii milyan ginni ay ku soo iibsadeen inay ka helaan, si ay lacagtaas ugu isticmaalaan maalgashi kooxda ah, waxaana la ogsoon yahay in Ferguson uu doonayo inuu xoojiyo khadkiisa dhexe.
Anderson ayaa saftay kaliya 10 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkii hore, waxaana jahwareeriyay dhaawacyo tan iyo markii uu Old Trafford yimid, taasoo keentay in Ferguson uu ka walwalo mustaqbalkiisa.
United ayaa aysan ku jirin degdeg ah inay Anderson iska iibiyaan bisha Janaayo, iyadoo ciyaaryahanka qandaraaskiisa uu dhacayo 2015, laakiin inuu baxo xagaaga soo socda ayay u badan tahay.