
Xiddiga reer Japan oo 23 jir ah ayaa 14 milyan ginni ugu biiri doono Red Devils ka dib marka uu u maro tijaabada caafimaadka islamarkaana uu helo ogolaanshaha shaqo.
Warbixin ay soo saartay United ayaa lagu yiri: “Manchester United waxa ay ku faraxsan yahay iny heshiis la gaartay Borussia Dortmund iyo Shinji Kagawa”.
“Heshiiska ayaa waxaa ka dhiman inuu ciyaaryahanka maro tijaabada caafimaadka iyo inuu helo ogolaanshaha shaqada UK. Waxaana la filayaa in howshan la soo gabagabeeyo dhamaadka bishaan June” ayay tiri United.
Tababare Sir Alex Ferguson ayaa lagu ogaa muddo dheer inuu xiiseynayay laacibka reer Japan kaasoo si aad ah uga dhex muuqday Bundesliga.