
kooxaha isboortiga adduunka, sida lagu shaaciyay warbixinta sannadlaha ah ee ay
sii baahiso Forbes.
Kooxda ku guuleysatay 19ka jeer horyaalka Ingariiska ayaa lagu qiimeeyay $2.23 billion
halka sannadkii hore uu qiimahooda ahaa $1.86 billion waxaana ay boqolkiiba 19
ka sareeyaan kooxda kaalinta labaad ee Real Madrid ($1.88 billion).
Dhamaan kooxaha Mareykanka ee ciyaara NFL ayaa ku jiray liiska 50 kooxood ee isboorti ee
adduunka ugu qanisay ee Forbes.
10ka kooxood ee Isboorti ee ugu qanisan caalamka waxaa ku jira kaliya afar kooxood oo
kubada cagta ah, waxaana Man United iyo Real Madrid sidoo kale ku wehliya
Barcelona iyo Arsenal.
10ka kooxood ee Isboortiga adduunka ee caalamka ugu qanisan:
1. Manchester United (Football) – $2.23 billion
2. Real Madrid (Football) – $1.88 billion
T3. New York Yankees (MLB) – $1.85 billion
T3. Dallas Cowboys (NFL) – $1.85 billion
5. Washington Redskins (NFL) – $1.56 billion
6. Los Angeles Dodgers (MLB) – $1.40 billion
7. England Patriots (NFL) – $1.40 billion
8. Barcelona (Football) – $1.31 billion
9. New York Giants (NFL) – $1.30 billion
10. Arsenal (Football) – $1.29 billion