
Ciyaaryahanka reer Holland ayaa cadeeyay inuusan heshiis cusub u saxiixi doonin kooxdiisa haatan ee Arsenal, lakiin Arsenal ayaan wax heshiis ah weli la gaarin seddexdaas kooxood ee doonaya kabtankooda.
Van Persie ayaan isaga laftiisa ka hadlin halka uu doonayo inuu caga dhigto, Mancini ayaana dareensan inaysan u aheyn go’aan sahlan weeraryahanka, hadii la soo hordhigo seddexda kooxood.
“Marka aad ka hadleyso Manchester City, Manchester United iyo Juventus, waa adag tahay in ciyaaryahan uu kala doorto seddexdaas kooxood” ayuu Mancini u sheegay saxaafada isagoo ku sugan caasimada Malaysia ee Kuala Lumpur halkaasoo caawa ay kula ciyaarayaan xiddigaha Malaysia.
“Dhamaantood waa koox sare, wax feker ahna kama heysto waxa ku dhici doona isaga. Hadii aan fursad u helno inaan la soo wareegno, waan isku dayi doonaa sababtoo ah waxaan qabnaa inuu yahay weeraryahan sare.”.
“Haatan waa ciyaaryahan Arsenal ah, waxaana qabaa inay Arsenal tahay koox sarre. Mana sahlana in Van Persie ama ciyaaryahanada kale ay ka tagaan”.
Mancini ayaa sheegaya in City ay ku adkaato inay la soo saxiixdaan ciyaaryahano marka loo fiiryo kooxaha kale, sababtoo ah milkiilahooda taajirka ah Sheikh Mansour.
“Ma sahlana marka ay City dooneyso inay soo iibsato ciyaaryahan” ayuu yiri.
“Kooxda aan ka iibsaneyno waxa ay ina soo weydiisanayaan in ka badan boqolkiiba 30 ama 40 lacagta caadiga aheyd. Sababtaan darted mararka qaar waa ay adag tahay in ganacsi la sameeyo. Lakiin waxaan qabaa inaan sidoo kale u baahanahay inaan si aad ah u shaqeyno”.