
Tababaraha Manchester City ayaa hore u sheegay inuu lugta isaga shabadeyn (tattoo) doono calaamada Sky Blues hadii uu u qaado horyaalkoodii u horeeyay tan iyo 1968dii. Waxaana xubno ka tirsan shaqaalaha tababaraha Talyaaniga ay dib u soo xusuusiyeen todobaadkaan balantii ku qaaday inuu calaamada City ku shabaqadeyn doono lugtiisa bidix.
Mancini oo 47 jir ah ayaa kula dabaaldegay hanashada horyaalka Serie A kooxda Sampdoria 1991kii isagoo lugtii midig ku shaabadeeyay calaamada kooxda Sampdoria.
Markii shabadeyntaas wax laga weydiiyay, Mancini waxa uu ku jawaabay: “Waxaan leeyahay lug kale, hadii aan Premier League la qaado Manchester City waxaa laga yaabaa inaan shabadeyn [tattoo] lugta ku xardho”
City ayaa loo caleemo saari doonaa horyaalka hadii ay garaacaan maanta QPR ama ay natiijo la mid ah tan Manchester United iyo Sunderland helaan.