
Ciyaaryahankan dalka Togo ayaa xilli ciyaareedkii hore waxaa amaah ahaan lagu siiyey kooxda Tottenham waxana u suurtogali weysey in uu si joogta ah ugu biiro kooxda White Hart Lane.
Adebayor ayaa 14 gool dhaliyey xilli ciyaareedkii ugu horeeyey ee Etihad Stadium kadib markii uu ku soo biirey isagoo ay ku kacday 25 Million oo euro ah isagoo hore ugaga tirsanaa kooxda Arsenal. Waxana mar uu ugu soo ciyaaray Real Madrid si amaah ah.
“Waan ka xumahay halkan ayuu joogaa mana ciyaarayo,”ayuu Mancini yiri. “Balse fursad ma haayo uu xilli ciyaareedkan uu noogu ciyaaro.
“Waxa ay u tahay muhiim isaga in uu helo xal sababtoo ah waxa uu dhaliyey goolal badan xilli ciyaareedkii hore waana weeraryahan gool dhaliye ah.
“Waxaan rajaynayaa in uu dhaqso u helo xal.”
Mancini ayaa waxa uu sheegayaa in uu haysto illaa afar weeraryahan oo dhaliyaal ah – Sergio Aguero, Carlos Tevez, Mario Balotelli iyo Edin Dzeko dhammaantoodna waxa ay joogayaan kooxda.
Dzeko ayaa dhaliyey 19 gool xilli ciyaareedkii hore balse waxa uu ka heli waayay boos joogta ah kooxda kadib markii uu dib ugu soo laabtay Tevez.
“Waxaan ku kalsoonahay afar weeraryahan,”ayuu sii raaciyey. “Waxa ay dhaliyeen 70 gool dhammaan xilli ciyaareedkii la soo dhaafay wayna joogayaan.”