
Ciyaaryahanka reer Croatia ayaa ugu wareegay isniintii Santiago Bernabeu lacag gaareysa 42 milyan euro, inkastoo goolhayihii hore ee Arsenal uu qabo in Mourinho uu la soo wareegay ciyaaryahan fiican hadana waxa uu aaminsan yahay inuusan u qalmin lacagtii lagu soo iibsaday.
“Modric waa ciyaaryahan fiican, lakiin ma aqaan waxa loo buunbuuninayo” ayuu Almunia u sheegay COM Radio.
“42 milyan ginni waa lacag ka badan qiimihiisa, waa ciyaaryahan fiican, faa’idana wuu u yahay Madrid, lakiin qiimihiisa waa laga badbadiyay.”
Modric ayaa laga yaabaa in kulankiisa ugu horeeya ee Los Blancos inuu u ciyaaro caawa, iyadoo kooxdiisa cusub ay isku dayi doonto inay ka sarre maraan guuldarro 3-2 ah oo ka soo gaartay Barcelona isbuucii hore.