
Xulka Selecao ayaa wajihi doona xulka Argentina sabtida soo socda iyagoo dib u fiirin doona guul daradii 2-0 aheyd ee kasoo gaartay xulka Mexico axadii, markaasoo Brazil laga badiyey markii ugu horeysay ka dib sideed guul oo isku xigta.
Inkastoo ay heer kooxeed kuwada kulmeen dhowr jeer,hadana Marcelo ayaa yiri mar walba hal mid ayaan dareemayaa waanan daacadnimada xidiga Barcelona,isagoona ka sara mariyey xidiga ay isku kooxda yihiin ee Cristiano Ronaldo.
“Waqtigaan la joogo Messi ayaa ah ciyaaryayhanka dunida ugu wanaagsan, waana farxad inaad ka horimaado” ayuu Marcelo u sheegay Globesporte.
“Waan arki doonaa waxa dhaca, hadii aan xiran karno. Argentina waa ay ka weerar badan tahay Mexico, sidaasi darteed waxaan heleynaa boos banaan oo aan fursad ku helno”.
“Laakiin waxaan u baahanahay inaan taxadar muujino, maxaa yeelay goolal ayey nooga dhalin karaan si fudud. Ma ka hadli kartid oo keliya hal ama laba ciyaaryahan lakiin ciyaartoyda kale oo dhan”.
“Laakiin sidoo kale waxaann heysanaa ciyaartoy wanaagsan waana isku deyi doonaa inaan keeno natiijo fiican.”