
Iyadoo ciyaartoyda labada xul uu ka muuqday daal tiro badan, ciyaarta ay ku dhaweyd in la isla tago gool ku laad islamarkaana garsooraha ay fiirineysa saacada, ayaa Morgan ay kubad xoogan oo madax ah hogaanka ugu dhiibtay markii ugu horeysay USA ka dib markii Canada ay seddex jeer hogaanka soo qabteen ciyaartii ka dhacday Old Trafford.
Goolka guusha ayaa dhashay daqiiqadii 122aad iyo 25 ilbiriqsi. 60 ilbiriqsi ka dibna ciyaarta waa ay dhamaatay.
“Weli waan shooksanahay, markaan ka fekero wixii haatan dhacay” ayay tiri Morgan oo dhalisay goolkaas cajiibka ah.
“Kalama jecli cidii dhalisa, hadiiba aan dhalineyno gool, taas ayaana muhim ah”.
“Ma arkin xitaa kubada oo shabaqa galeysa. Waxaan isku dayay inaan istaago booska saxda ah”.
“Waxa ay aheyd dagaal waalan. Waxaan ciyaarta ku soo laabanay seddex jeer. Marka ay gooldhaliyaan waan dhalineynay, cajiib ayay aheyd”.
USA ayaa haatan gaaray 5tii final ee ciyaaraha kubada cagta hablaha Olimbikada, iyagoo ku guuleystay bilada dahabka 1996, 2004, iyo 2008, waxaana ay khamiista final la ciyaari doonaan xulka Japan ciyaar ka dhici doonta Wembley Stadium.
Mareykanka ayaa raadinaya markoodii seddexaad oo isku xigta oo ay ku guuleystaan bilada dahabka, iyo markoodii afaraad oo ay ku guuleystaan guud ahaan bilada dahabka ee ciyaaraha hablada ee Olimbikada.
Japn oo iyadana 2-1 semi-finalkii ku soo dardartay France ayaa USA ku soo garaacday rigoorayaal sannadkii hore finalkii koobka adduunka kubada cagta hablaha.
Yay kula tahay in bilada dahabka ay qaadan doonaan? Mareykanka miyaa markii 3aad oo isku xigta bilada dahabka qoorta loo suri doonaa mise Japan ayaa koob adduun iyo bilad dahab isku qaadi doonta labo sanno oo isku xigta?