
kaga talaabsadeen xulka Jarmalka ciyaartii semi-finalka aheyd.
Ciyaariyahanka Mario Bolatelli ayaa ahaa halyeeygii ciyaarta waxuuna xulkiisa Italy ku
hogaamiyay finalka Euro 2012.
Super Mario ayaa dhaliyay labadii gool ee ay Azzurri ku badisay, isagoo shabaqa ku
hubsaday qeybtii hore ee ciyaarta daqiiqadihii 20aad iyo 36aad ee ciyaarta.
Italy ayaa inta badan ku gacansareysay kulankaan oo xiiso lahaa, inkastoo Jarmalka ay
la soo baxeen weerar xoogan dhamaadkii ciyaarta.
Waxaana dhamaadkii ciyaarta ay heleen gool rigoore ahaa oo uu u saxiixay xiddiga Real
Madrid Mesut Ozil.
Xulka Italy ayaa 44 sano kadib waxaa la dhihi karaa afka ayuu u saaran yahay in uu mar
kale hanto Koobka Euro oo ugu dambeysay1968 oo uu qaaday hoobkaan waxaana haatan
finalka uu la ciyaarayaa Xulka Spain oo xalay soo baxay.
Finalka Koobkaan Euro 2012 ayaa waxaa la ciyaarayaa 1-da July waxaana ku balansan xulka
difaacanaya koobkaan ee Spain Iyo xulka Italy.
Waxaana meesha ka baxday saadaalin ahayd in xulka Jarmalka uu ciyaarta finalka la dheeli
doono xulka Spain oo rigoorayaal ugu soo gudbay kulanka Finalaha.