
Wararka soo baxaya ayaa soo jeedinaya in Allegri uu tagay isbuucaan Vismara oo ah guriga ay leeyihiin kooxda Juunyeerka si uu u daawado tababarkooda.
Halkaasoo ay isku arkeen Inzhagi oo ka mid ah tababarayaasha kooxaha Juunyeerka AC Milan, islamarkaana Inzhagi uu ka mid yahay raga u sharaxan inay bedelaan Allegri hadii albaabka la tuso xilli ciyaareedkan.
Labada nin ayaa bilowgii isgacan qaaday ka hor inta uusan dagaalkooda weynaanin, waxaana ay isweydaarsadeen hadalo aflagaado u badan.
Inzaghi ayaa lagu soo waramayaa inuu Allegri u sheegay inuusan shaqadiisa si fiican u qabsanoynin, halka Allegri uu ku eedeeyay Super Pippo inuu isku dayaayo inuu ka bedelo kursiga keydka San Siro.
Si kastaba, madaxweyne ku xigeenka Milan Adriano Galliani ayaan wax weyn ka soo qaadin isku dhaca labada nin.
“Waxaan la hadlay labadoodaba Allegri iyo Inzaghi” ayuu Galliani u sheegay Gazzetta dello Sport. “Labadoodaba waxa ay hoos u dhigeen dhacdada, intaan ka warqabana, wax dhacay ma lahan.”
Wararka soo baxaya ayaa sidoo kale soo jeedinaya in Allegri oo badiyay kaliya hal kulan afar kulan oo xilli ciyaareedkan ay kooxda ciyaartay ay kulanka axada ee Udinese u tahay kulanka uu shaqadiisa ku badbaadsan lahaa ama kulanka albaabka lagu tusi lahaa.