
Kooxda ka dhisan Turin ayaa sannadkii hore ku bilaabatay iyadoo aan lagu tirineynin inay qaadeyso Serie A, waxaana ay ku dhameysteen oo ay horyaalka ku qaadeen iyadoo aan marnaba dhinaca dhulka loo dhigin, waxaana Allegri uu rajeynayaa in Rossoneri ay iyadana layaab sidaas oo kale ah ay la soo baxdo markaan.
“Juventus waxa ay la soo wareegeen ciyaartoy fiican iyaga ayaana ugu cadcadinay ku guuleystaan horyaalka. Si kastaba, ma ogaan kartid sida ay wax noqon doonaan kubada cagta” ayuu Allegri u sheegay Gazzetta dello Sport.
“Sannadkii hore, qof walba waxa uu is dhahayay inaan horyaalka xoog ku qabsan doono oo aay Inter nagula tartami doonto. Lakiin ugu danbeen Juventus ayaa ku guuleysatay iyadoo aan laga badinin, sidaasi darted yaa og..”