
Kooxda Bianconeri� ayaa horyaalka Serie A ka qaaday xilli ciyaareedkii hore kooxda AC Milan, waxaana soo baxayay in mas’uuliyiin badan oo Old Lady ka tirsan ay ku doodayeen in horyaalkaas uu ahaa koodiii 30aad, inkastoo si rasmi ah loogu diiwaangeliyay 28 horyaal.
Si kastaba 44 jirkaan tababaraha u ah Rossoneri ayaa fekerkiisa ku darsaday qodobkaan uu muranka ka taagan yahay ka hor xilli ciyaareedka cusub isagoo yiri:
“Waxa ay heystaan 31 horyaal, qof walba waa qaldan yahay, sababtoo ah waa inaad sidoo kale xisaabtaa horyaalka Serie B” ayuu Allegri ku kaftamay.
Juventus ayaa dooneysay inay xiddig seddexaad ku tolato maaliyadeeda taasoo cadeyneysa inay 30 horyaal qaadeen, lakiin go’aankoodaas waa ay ka laabteen waxaana ay ku soo koobeen inay garoonkooda ku dhejiyaan calaamada weyn oo 30 ah iyo inay astaantooda hoosteeda ee maaliyada cusub ay ku qoraan “30 horyaal ayaan garoonka dhexdiisa ku qaadnay”.