
Rossoneri ayaa si hoose loola xiriiriaayey ciyaaryahanka u dhashay Itlay ka dib markii tababaraha Sky Blue Roberto Mancini uu sheegay inuu maaro u waayey Anshax darada ciyaaryahanka xagaagii tegay tiiyoo Mario Balotelli. lala xiriiriyey inuu u hayaamayo San Siro inta lagu guda jiro xagaaga.
21 jirkaani ayaa intii uu xaqiijiyey inuusan ka tegeyn kooxda heysta horylaaka England, Allegri ayaana cadeeyey inuusan xiiseyneyn lasoo saxiixashada ciyaaryahankii hore ee Inter Milan.
“Mario ma imaan doono Milan,”ayuu u sheegay Chi magazine
“Waxaan rajeynayaa inuu noqdo nin weyn, mustaqbalka ciyaareed ee ciyaaryahan waa ay gaaban tahay”
“Waa inuusan ka qoomameyn qaladaadkii uu sameeyey.”
44 jirkaani ayaa sidoo kale cadeeyey inuusan qorsheyneyn inuu soo afjaro xirfadiisa macalinimo, laakiin wuxuu qiray inuu jeclaan lahaa inuu hogaamiyo xulkiisa Talyaaniga ka hor inta uusan soo afjarin xirfadiisa tababarenimo
“Waxaan ku hakin doonaa 10 sano.”ayuu yiri mar kale Allegri.
“Waxaan ka bilaabay [Serie A] markii aan 40 jir ahaa, waxaana joojin doonaa marka ay da’adeydu gaarto 55 sano.
“Afar iyo toban sano oo macalinimo ah wey igu filan tahay ka dib ayaan iska dhaafi doonaa. Waxaan qirayaa inaan jeclaan lahaa inaan Macalin u noqdo Italy.”