
Nerazzurri ayaa haatan suuqa ugu jirta ciyaartoy cusub iyadoo tababare Andrea Stramaccioni uu doonayo inuu isbedel ku sameeyo kooxda madaama ay xilli ciyaareedkii hore ku dhameysteen kaalinta 6aad.
Ciyaaryahankii Genoa Rodrigo Palacio ayaa goor hore u saxiixay Inter, halka daafaca Palermo Matias Silvestre uu ku dhow yahay inuu kooxda ku biro, lakiin Moratti ayaa si maldahan u sheegay in haatan uusan jiri doonin saxiixyo cusub.
“Ma jiraan wax laga sheego suuqa kala iibsiga” ayuu Moratti u sheegay suxufiyiinta.
“Intaanan wax soo iibsan ka hor waxaan u baahanahay inaan marka hore wax iska iibino”.
Ciyaaryahanka reer Holland Luc Castaignos ayaa la filayaa inuu noqdo ciyaartoyda ugu horeysa ee kooxda ka tagta, madaama uu diiday inuu heshiis amaah ku baxo mar kale.