
Daafacii hore ee Inter ayaa wareysi siiyay Sky Sport Italia oo uu kaga hadlayo waxyaabo aysan saxaafada ka warhelin waagii uu San Siro joogay oo uu ku saabsan ciyaaryahanka sheegtay inuu taageero u yahay Milan ee Balotelli.
“Mario waxa uu tababarka u soo xirtay hal mar iskaalshado (sharaabad) ay leedahay Milan. Markii aan arkay waan ka goo gooyay, madaama midabkaas uu ku fool xumaa” ayuu yiri Matrix isagoo dhoolacadeynaya.
“Waa uu garwaaqsaday casharkii aan u dhigay. Si kastaba, Balo waa wiil aad u fiican waxaana rajeynayaa inuu ku guuleysan karo Euro 2012. Waa adag tahay in la helo ciyaaryahano sidiisa oo kale u da’ yar oo wax badan ku guuleystay”
Metarazzi ayaa sidoo kale mar kale weerar ku qaaday tababarihii hore ee Inter Leonardo, kaasoo xagaagii hore ka tagay kooxda islamarkaana noqday agaasimaha kooxda PSG.
“Madaama aan ahay Interista, aad ayaan uga xumahay xilli ciyaareedkan wixii dhacay, madaama wax ka fiicana ay kooxda sameyn kartay, lakiin xaalada xitaa sidaan waa ay ka sii xumaan kartay. Haatan waxa ay heystaa waqtiga ay u baahan yihiin ee ay dib kooxda ugu soo dhisi karaan”
“Sannadkii hore tababaraheenii hore Leonardo waxa uu wadada inooga dhaqaqay shan maalmood ka hor inta aanan bilaabin tababarka aan xilli ciyaareedka cusub isagu diyaarineynay. Waxa uu waagaas yiri shaqadan igama heyso, laakiin waxa ay aheyd wax aad u fool xun inuu sidaasi sameeyo, Inter-na go’aankaas darteed ayay xilli ciyaareedkan u rafaaday”.