
Si kastaba, kooxda reer Spain ayaa sheegtay inaysan weli wax go’aan ah ka gaarin xilligan la joogo ciyaartoyda ay la soo wareegayaan mustaqbalka.
Dhexdhexaadiye Isbaanish ah ayaa sheegtay inuu wadahadal kula jiro Valencia oo ku aadan heshiis macquul ay tahay inuu Terry u soo dhaqaaqo.
Ilo ku dhowdhow Valencia ayaa u sheegay Sky Sports: “Waxaan ka shaqeyneynaa suuqa kala iibsiga, waxaana helnay magacyo badan, Terry waxa uu ku jiraa liiska ciyaartoyda aan ka helnay wakiilo, laakiin weli wax la go’aansaday ma jiraan.”
Agaasimaha kooxda Valencia Braulio Vazquez ayaa diiday inuu ka hadlo magacyo gaar ah, laakiin waxa uu sheegay in saxiix walba oo ay u dhaqaaqayaan inay tahay inuu ansixiyo marka hore tababare Mauricio Pellegrino.
“Fekerka tababaraha ayaa fure u ah ciyaaryahan walba oo aan dooneyno” ayuu yiri.
Wararka soo baxaya Spain ayaa sheegaya in Terry ay macquul tahay inuu La Mestalla u dhaqaaqo bisha Janaayo.
Wakiil Isbaanish ah oo ah ninka sheegtay inuu kala dhexdhexaadinayo Valencia iyo Terry Francois Gallardo ayaa sheegtay inuu gacan ka geysanayo heshiiska, isagoo u hadlayay Radio Intereconomia:
“Valencia wada xaajood ayay ku jirtaa, shaqsi ahaana qeyb ayaan ka ahay, iyadoo saxiixa la filayo inuu dhaco qaboobaha marka uu furmo suuqa kala iibsiga.
“Dalabka miiska ayuu u saaran yahay isaga. Ciyaaryahanka qandaraaskiisa waxa uu dhacayaa June 2014, mana cusbooneysiin doono heshiis kale sababo jira oo Chelsea ku heysta waxaana uu doonayaa inuu Spain yimaado.
“Terry dhibaatooyin ayaa heysta. Waa ay aflagaadeynayaan, mana u dulqaadan karo in badan. Waxa uu weydiistay inuu baxo ee anaga igama imaan.
“Waa wax dhab ah. Waxa ay arintaan socotay muddo 15 maalmood ah, labo kulan ayaaba dhacay haatan. Heshiiska miiska ayuu saaran yahay, waa hal sanno iyo bar iyo sannad kale oo lagu kordhin karo.