
Garoonka: Juventus Stadium
Waqtiga: 9:45 p.m xilliga Soomaaliya
Juventus ayaa indhaha ku heysa inay sii wadato kulamada aan dhinaceeda dhulka la dhigin ee Serie A, taasoo haatan ah 44 kulan oo Serie A, waxaana ay martigelin doonaa kooxda AS Roma, lakiin waxa ay noqon doontaa booqashada ninka muranka badan dhaliya ee tababaraha Roma Zdenek Zeman waxa dabooli doona hadal heynta kulankaan.
Kooxda Antonio Conte iyo Massimo Carrera ayaa hogaanka waxa ay isla hayaan Napoli iyagoo wada leh 13 dhibcood, halka Roma ay shan dhibcood ka hooseyso iyadoo ku jirta kaalinta 6aad.
Roma ayaa hal guul kaliya ka gaartay Bianconeri 14kii kulan ee ugu danbeysay ee ay Serie A ku kulmaan, waxaana guushoodii ugu danbeysay ee Serie A ay aheyd Febraayo 2004, laakiin tababaraha Giallorossi Zeman ayaa si aad ah u doonaya inuu wax ka bedelo rikoorkaas.
Tababaraha Roma ayaa ka xumaa sida kooxdiisa ay ku bilaabatay xilli ciyaareedkan, inkastoo ay Inter 3-1 kula garaaceen San Siro.
Roma ayaa dhawaan waxaa guuldarro 3-2 ka soo gaartay Bologna, inkastoo ay labada gool ku hormareen, halka ay barbaro 1-1 garoonkooda kula galeen Sampdoria oo 10 ciyaaryahan ku ciyaareysay inta badan ciyaarta.
Zeman oo ka maqnaa Serie A muddo 7 sanno ah ayaa xagaagii loo dhiibay Roma ka dib markii uu Pescara ku hogaamiyay horyaalka Serie B islamarkaana u soo saaray Serie A, waxaana lagu yaqanaa naceybka uu u qabo Juventus iyo naceybka ay Juve u qabto tababarahaan.
Zeman ayaa ka careeysiiyay Bianconeri markii uu ku eedeeyay inay daroogo isticmaalaan 90meeyadii, mana jiro jaceyl dhexyaala tababaraha iyo Old Lady.
Zeman ayaa ka sii careysiiyay taageerayaasha Juve dhawaan markii uu sheegay inay tahay inaan loo ogolaanin in Antonio Conte uu tababarka kooxda qabto inta uu ku maqan yahay ganaaxiisa 10ka bilood.
Weeraryahanka Juventus Mirko Vucinic ayaa isna shalay sheegay inuu ku oorin lahaa tababaraha Roma hadii uu ahaan lahaa taageere Juventus ah.
“Waan ku oorin lahaa Zeman hadii aan ahaan lahaa taageere Juventus” ayuu Vucinic u sheegay La Stampa.
“Si kastaba, waxaan ahay ciyaaryahan, waana salaami doonaa. Abaal badana waa igu leeyahay. Xusuus wacan ayaan ka heystaa Zeman. 19 gool oo horyaalka ayaan ku soo hoos dhaliyay isaga.
“Wax badan ayuu i baray markii uu macalin ii soo ahaa, lakiin mahan kaliya tababarihii i soo caawiyay.”
Kulankii ugu danbeeyay ee labada kooxood ee dhacay bishii Aprill waxa uu ku dhamaaday 4-0 oo ay Bianconeri ku badisay, lakiin haatan kulankaan waxaa ku kordhay cusbo kale madaama Zeman uu boqon doono Juventus Stadium markii ugu horeysay.
Waxaana jiri doona jawi aan hagaagsaneyn oo u dhaxeyn doona isaga iyo kooxda, lakiin ma jiri doonto waxa uu ka jeclaan doono hadii uu jabiyo rikoorka guuldarro la’aanta ee Juventus.