
Garoonka: Britannia Stadium
Waqtiga: 5ta Galabnimo xilliga Soomaaliya.
LINE-UPKA MACQUULKA AHSTOKE CITY
Begovic
Wilkinson, Huth, Shawcross, Cameron
Pennant, N’Zonzi, Adam, Kightly
Crouch, Owen
MANCHESTER CITY
Hart
Maicon, Kompany, Lescott, Kolarov
Yaya Toure, Garcia
Nasri, Silva
Tevez, Dzeko
Marka ay ku soo booqdaan kooxda horyaalka heysata tababare kasta waxa uu rajeynayaan inay diyaar u noqdaan inta badan ciyaartoydiisa oo uu ka soo xusho, Tony Pulis ayaana heysta inta badan koox buuxda oo uu ka soo xulan karo line-upkiisa.
Matthew Etherington iyo Andy Wilkinson ayaa labadooda loo texgelinayaa inay shaki ku jiraan inay ciyaari karaan, lakiin Pulis ayaa xaqiijiyay in laga yaabo inay ciyaaraan, halka Michael Owen, Steven N’Zonzi iyo Maurice Edu la filayo inay kulankooda ugu horeeya ciyaaraan.
Manchester City ayaa weli heysata ciyaaryahano ka maqan, iyadoo Jack Rodwell, Pablo Zabaleta iyo Mario Balotelli iyo Sergio Aguero ay yihiin kuwa uu shaki ku jiro ka dib dhaawacyo kala duwan oo ay qabaan.
Si kastaba, Gareth Barry iyo Micah Richards ayaa laga yaabaa inay soo laabtaan, hadii ay ku baasaan baaritaanka lagu sameynayo maanta, waxaana ay u badan tahay inay kursiga keydka ku bilaaban doonaan.
Roberto Mancini ayaa sidoo kale ay macquul tahay inuu fursad u siiyo kulankooda ugu horeeyay ciyaartoydii uu la soo wareegay maalintii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Matija Nastasic, Maicon iyo Javi Garcia, iyadoo Maicon iyo Garcia ay u badan tahay inay ku soo bilaaban doonaan.
MA OGTAHAY?
- Manchester City ayaan weli shabaqeeda gool ka ilaalin xilli ciyaareedkan, waxaana laga dhaliyay labo gool ciyaar kasta seddex kulan oo ka mid ah afartii kulan ee ugu danbeysay.
- Yaya Toure ayaa celcelis ahaan baasay 99 baasas ciyaar kasta xilli ciyaareedkan, waana ninka ugu fiican dhanka baaska Premier League ilaa iyo haatan.
- Kooxda Mancini ayaa ku guuldareysatay inay guul ku soo gaaraan shantii kulan ee ugu danbeysay ee ay booqdaan Britannia Stadium.
- Garcia, Nastasic iyo Maicon ayaa dhamaantood laga yaabaa inay ciyaaraan kulankoodii ugu horeeyay ee Premier League.
- Lixdii kulan ee ugu danbeysay ee uu ka horyimaado Stoke, Carlos Tevez waxa uu ka dhaliyay afar gool.
- Stoke ayaa badisay kaliya kulan ka mid ah 14kii kulan ee ugu danbeysay ee ay ciyaaraan horyaalka.
- Owen, Edu iyo N’Zonzi ayaa sidoo kale doonaya inay kulankooda ugu horeeya u ciyaaraan Stoke City.