
Eedeynta loo heysto kabtankii hore ee England ayaa ah mid uu si xoogan u beeniyay, inkastoo muuqaal la duubay bishii October 2011 loo adeegsanayo dacwada Terry isagoo markaas afkiisa ay ka soo baxayaan hadalo cunsurinimo ah.
Terry ayaa markaasi waxaa dacwad ku soo oogtay maxkamad dadweyn iyadoo wakiilada dhinaca sharciga ee 31 jirkaas ay beeniyeen in Terry uusan wax danbi ah laheyn bishii Febraayo.
Si kastaba, hadii lagu helo danbiga, Terry waxaa la ganaaxi doonaa lacag gaareysa labo kun iyo shan boqol oo ginni (£2,500), iyadoo dacwadan ay sidoo kale Terry u aqoonsatay kabtanimada xulkiisa taasoo keentay in Capello uu isku casilo.
Sidoo kale hadii lagu helo danbiga waxa uu waayi doonaa dhaqaale faro badan oo ka soo galayay xayaysiinta, madaama shirkadaha uu wax u xayaysiiyo aysan dooneynin in ganacsigooda uu ku lug yeesho arimo cunsurinimo la xiriira.
Maxkamadeynta ayaa dib loo dhigay ilaa iyo ka dib Euro 2012 ka dib markii dhowr ciyaaryahan oo marqaati fur u ahaa Terry oo kala tirsan Chelsea ay awoodi waayeen inay soo xaadiraan. Maxkamadeynta oo ka dhaceysa Westminster Magistrates ayaa waxa la filayaa inay socon doonto muddo shan maalmood ah.