
Ka dib markii uu shaqada qabtay bishii Febraayo markaasoo la ceyriyay Andre Villas-Boas, Di Matteo weli ma oga hadii uu shaqada si joogta ah u qaban doono.
Heynckes ayaa u arka inaysan yirin sabab kale oo dib u dhigi karta in shaqada si joogta ah gacanta looga saaro Di Matteo.
“Waxaan ugu hambalyeeynayaa Chelsea guushooda” ayuu yiri Heynckes.
“Hadii aad dooneysaan inaan wax ka iraahdo Roberto di Matteo, waxaan dhihi karaa waa in Chelsea ay siisaa heshiis seddex sanno ah”.
Heynckes ayaa qirtay inay jirin cid ay eedeyaan oo aan iyaga ka aheyn, ka dib markii ay kubada inteeda badan heysteen 120kii daqiiqo ee ciyaarta.
Si kastaba, ka dib markii Thomas Muller uu hogaanka qabtay ciyaarta oo dhiman sideed daqiiqo, Bayern ayaa u ogolaatay in Drogba uu barbareeyo daqiiqadii ugu danbeeyay ee ciyaarta.
Ka dib, Arjen Robben ayaa waxaa rigoore ka badbaadiyay Petr Cech waqtigii dheeriga ahaa, iyadoo kooxda Jarmalka rigoorooyin 4-3 ah lagu garaacay, islamarkaana rigooradii guusha uu Blues u dhaliyay xiddigooda Didier Drogba.
“Chelsea waxa ay u ciyaartay sidii aan u maleyneynay” ayuu yiri Heynkes.
“Waa inaan eednaa nafsadeena madaama aan helnay fursado badan oo aan goolal ku dhalin karnay”.