
Ka dib kulankii isbuucii hore ee El Clasico, labada ciyaaryahan ee Messi iyo Ronaldo waxa ay maaliyadahooda siiyeen hal ciyaaryahan oo isku mid ah. Laakiin waa kuma qofkaas?
Qofkaas su’aasha la duldhigay qof kale ma ahan ee waa xiddigii horee Barcelona Rivaldo, sida laga soo xigtay A Bola. Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa ka mid ah wajiyo badan oo caan ah oo soo xaadiray garoonka Camp Nou. Rivaldo ayaa codsaday in labada xiddig ay ku soo wareejiyaan maaliyadihii ay ku ciyaareen, si markaasi lacagta xaraashka ee lagu iibiyo loogu bixiyo deeq ahaan.
Ciyaaryahankii hore ee Barca ayaa dhanka Real Madrid kala soo xiriiray Kaka, halka kooxda Catalan ay u aheyd mid u fudud madaama uu hore ugu soo ciyaaray.
Ronaldo iyo Messi ayaa ogolaaday inay maaliyadaha ay ku ciyaareen ku wareejiyaan Rivaldo, waxaana suuq xaraash ah la saari doonaa isbuucyada soo socda. Lacagta ka soo baxda oo la filayo inay noqon doonto lacag aad u badan ayaa waxaa isticmaali doona hay’ada gargaarka ee uu aas aasay Rivaldo ee Instituto Rivaldo10, iyadoo hay’adaas ay wax ugu qaban doonto caruurta ku nool Brazil iyo Angola oo ah halka uu haatan Rivaldo ka ciyaarayo.
Daafaca Barcelona Carles Puyol oo isaga ka qeyb qaadan waayay kulankii El Clasico ayaa isna ugu deeqay hay’ada gargaarka ee Rivaldo maaliyad kale oo uu ciyaar kale ku ciyaaray, halka sidoo kale ay iyagana taburacaadaas gacan ka geysteen qaar ka mid ah ciyaartoyda Sao Paulo.
“Dadka ku tartami doona iibsashada maaliyadahaas waxa ay maalgashi ku sameysan doonaan nolasha caruur caawinaad u baahan oo ku nool Brazil iyo Angola” ayaa lagu soo qoray website-ka Rivaldo10.