
25-jirkan reer Argentine ayaa waxaa uu la hadlay saxaafada kahor kulanka ay yeeshen xulalka Germany iyo Arjantin oo ka dhacaya magaalada Frankfurt.
Markii la weydiiyey u magacaabida Ballon d’Or iyo xiriirka kala dhexeeya weeraryahanka Madrid,waxana uu beeniyey warar la isla dhex maro oo sheegaya in labada ciyaaryahan ay ka dhex jirto cadowtinimo xoogan.
Messi ayaa sheegay in warka oo dhan uu yahay mid ka yimaado saxaafada. “Weligey lama tartamin Cristiano mana la dagaalamin.”ayuu u sheegay Messi wargeyska Ole.
“Ma jiro wax naga dhexeeyo, xushmad kaliya balse waxaan jeclaan lahaa in Iniesta ama Xavi oo sanado badan soo hooyay guulo tartanka adduunka iyo kii Yurub inay ku guuleystaan abaalmarinta laacibka Yurub haddii aan aniga ku guuldareysto.”
“Ronaldo waa ciyaaryahan weyn iyo sidoo kale Casillas waxaa dabeeciyan laga hadlay tartanka abaalmarinta xitaa. Laakiin saaxibtinimada ciyaartoyda aan isku kooxda nahay ayaa iiga weyn.”
Messi ayaa waxaa uu kamid yahay saddexda laacib ee isugu soo haray abaalmarinta laacibka ugu wanaagsan Yurub isaga iyo weliba Iniesta iyo Ronaldo