
Laacibkan reer Argentina ayaa dhaawac yar waxa uu soo gaaray toddobaadkan waxana uu ciyaari waayay kulankii saaxibtinimo ee kooxdiisa la yeelatay Talaadadii naadiga Hamburg kaasoo kooxda Barca ay 2-1 ku badisey. Hase yeeshee Messi ayaa galabnimadii Arbacada bilaabay inuu tababar si gaar ah u qaato.
Hase yeeshee lama qaadan tababarka kooxda oo qaadanaysay tababarkeedii caadiga ahaa waxana uu jimicsiyo ku samaynayay meel ka gooni ah kooxda inteeda kale iyadoo aysan ka muuqan wax dhibaato ah.
Sidoo kale. Daafaca Carles Puyol oo bilaabay tababarka Isniintii aynu soo dhaafnay kadib markii uu ka soo laabtay qalliin jilibka loogaga sameeyey kaasoo ka reebay tartankii Euro 2012 ayaa sidoo kale si gaar ah tababarka u qaatay.