
Wareegii hore ee isreebreebka koobka adduunka ayaa la ciyaaray, qaar badan oo ka mid ah kooxaha ugu waa weyn yurub waxa ay ka fekeri doonaan wax badan ka hor kulanka labaad ee habeenka talaadada. Dhamaan su’aalaha muhimka ah oo dhan ayaa laga jawaabi doonaa inta loo sii socdo Brazil, lakiin waxyaabo qaarkood ayaaba haatan sii noqday wax iska cad.
Halkaan ka akhri waxyaabihii aan ka baranay kulamadii heerka caalami ee la ciyaaray ilaa iyo haatan:

Diaby waxaa uu noqon karaa furaha khadka dhexe France.
Tababare Laurent Blanc ayaa taageere weyn u ahaa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Abou Diaby, laakiin waa uu awoodi waayay inuu 26 jirkaan u qaato Euro 2012 madaama uu dhaawac ahaa. Haatan uu xulka Faransa macalin u yahay Didier Deschamps islamarkaana France uu ciyaarsiiyay kulankiisii ugu horeysay, Diaby kaliya ma uusan soo laaban lakiin waxa uu la soo laabtay howlkarnimo weyn, isagoo dhaliyay goolka kaliya ee ay kaga badiyeen Finland, iyo isagoo wadnaha ciyaarta qabsaday islamarkaana qaab ciyaareed cajiib ah la soo baxay.
Hadiiba uusan haatan aheyn qorshaha waqtiga dheer ee Deschamps, xiddiga ku dhashay Paris haatan ayuu noqon doonaa, isagoo cadeeyay inuu yahay ciyaaryahan khadka dhexe laga agdhisi karo. Waxa uu leeyahay awooda jir ahaaneed ee loo baahan yahay, waxaana uu mar walba hami u leeyahay inuu kubada u riixo dhanka weerarka taasoo ka dhigeysa haatan ciyaaryahanka khadka dhexe ee ugu fiican France waqti xaadirkaan.
Fursada ugu weyn ee Deschamps iyo tan Arsene Wenger ayaa ah inay ciyaaryahankaan khadka dhexe ka dhigaan taam.

Prandelli waxa uu u baahan inuu si wacan u akhriyo ciyaarta.
Waa wax iska caadi ah in la yiraahdo Italy waxa ay u muuqatay hooska xulkii ciyaaray finalkii Euro 2012, iyagoo barbaro 2-2 ah la galay xulka Bulgaria, waxaana ay keentay xusuusin ah in Azzurri ay u baahan tahay inay meelo dhowr ah iska horumariyaan, hadii ay doonayaan inay mar kale ka soo muuqdaan masraxa caalamiga ee adduunka.
Italy ayaa aheyd kooxdii labaad ee ugu fiicneyd habeenkaas, lakiin waxa ay heli kareen seddexda dhibcood hadii tababarahooda uu si dhaqso ah ciyaarta waxa uga bedeli lahaa. In Emanuele Giaccherini laga ciyaarsiiyo dhanka bidix qaab ciyaareedka 3- 5- 2 waxa ay siineysaa xulka weerar saa’id ah, waxaana ciyaaryahanka reer Juventus uu lug ku lahaa labadii gool ee Pablo Osvaldo, lakiin waxa ay sidoo kale wax ka qaadeysaa awoodii daafaca ee kooxda. Bulgaria waxa ay si weyn uga faa’ideysatay Giaccherini gadaashiisa, iyadoo Stanislav Manolev uu si gaar ahaaneed fursado fiican ku helay booskaas.
Prandelli waxa uu afar daafac u soo bedeshay xilli xeero iyo fandhaal ay kala dhaceen oo uu Georgi Milanov goolka barbaraha dhaliyay, waxaana tababaraha uu sii sameeyay bedel qariib ah isagoo nin kale oo weerar badan Diamanti uu ku bedelay Giaccherini. Ciyaartoy badan ayay ka jiiftay habeenkaas gaar ahaan Christian Maggio, lakiin Prandeli sidoo kale waxa uu u baahan yahay inuu taatikadiisa sarre u qaado

Ozil ma ahan in booskiisa Madrid shaki la geliyo.
Dad badan ayaa ku doodi kara kaliya Jarmalka waxa ay la ciyaarayeen xul iska jilcan Faroe Islands, lakiin waxaad la ciyaari kartaa kaliya xulalka aad isku soo aadeen. Inkastoo Jarmalka ay ku dhibtoodeen inay ciyaaraan kubadooda ugu fiican, hal ciyaaryahan ayaa ka dhex muuqday waana Mesut Ozil.
23 jirkaan ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed indho qabad leh, isagoo kubada ku qeybinayay si aad u hagaagsan, islamarkaana mararka qaar daafac ahaan kooxda caawinayay, waxa uu ahaa madaale inta badan garoonka meel walba ka taagan, waana wax ka duwan waxa ay ku eedeeyaan dadka wax ka sheega qaab ciyaareedkiisa Real Madrid, goolka hortiisana qatar ayuu ku ahaa isagoo si fiican uga faa’ideystay labadii fursadood ee loo soo bandhigay.
Booskiisa kooxda Jose Mourinho ayaa dhawaan shaki la geliyay waxaana taasi ku mahadsan imaanshaha Luka Modric, lakiin habeenkii jimcaha wixii uu soo bandhigay, Ozil waxa uu leeyahay awooda uu mar kale Madrid ugu hogaamiyo La Liga

Waa iska cadeyd in Netherlands ay u baahneyd dhiig cusub ka dib fashilkooda Euro 2012, lakiin tababaraha cusub Louis van Gaal ayaa u muuqda mid ku fogaaday qorshihiisa uu wax uga bedelayo xulka.
Tababarihii hore ee Bayern Munich ayaa garoonka soo geliyay labo ciyaaryahan oo ay ugu horeysay xulka qaranka kulankii ay jimcihii la ciyaareen Turkey, halka uu sidoo kale la soo shirtagay afar ciyaaryahan kale oo in ka yar 10 kulan u saftay xulka. Holland nasiib ayay ku laheyd inaysan dhibco ku qasaarin Amsterdam ArenA.
Marka meel laga akhrinayo guul 2-0 waxa ay u muuqatay wax sahlan, lakiin Orange waxa ay ku dhameysan kareen ciyaarta guuldarro hadii Turkiga uu nasiibka saacidi lahaa.

Portugal iyo kubada cagta adduunka ayay la yaab ayay ku noqotay markii Daniel De Mota uu hogaanka u dhiibay Luxembourg ciyaarta oo socota 13 daqiiqo, lakiin hogaankaasi lama filaanka ah waxaa barbareeyay kabtanka xulka Portugal Cristiano Ronaldo.
Lakiin Portugal ma aysan soo bandhigin ciyaartoydii ugu fiicneyd, hal nin oo ka dhex muuqday Seleccao waxa uu ahaa Joao Moutinho. Haa kooxda ka soo horjeeday xulka Paulo Bento ma aysan aheyn xulkii ugu adkaa ee ay wajahaan, lakiin Moutinho ayaa qaab ciyaareedkiisii fiicnaa ee Euro 2012 hore u sii watay, isaga ayaana khadka dhexe kala maamulayay, isaga ayuuna ahaa ciyaaryahankii ka soo shaqeeyay goolkii guusha ee Helder Postiga. Waxa ay u aheyd qaraar iyo macaan isku dhaf ah Andre Villas Boas, oo mar xulkiisa ayaa badiyay, marna waxa uu dareemay qararka ay leedahay inuu seego Moutinho oo uu keeno Spurs.