
Ciyaaryahankan reer Ghana ayaa ku soo biirey Los Meregnrues maalintii ugu dambeysey ee suuqa kala iibsiga laacibiinta.
Si kasta ha ahaatee Essien ayaa shaaciyey in uu ciyaari karo maadaama uu tababar qaadanayay maalmihii la soo dhaafay. Essien ayaa ku soo biirey Chelsea 2005 xilligaa oo uu tababare u ahaa Mourinho waxana uu ka soo tegey kooxda Lyon ee dalka Faransiiska.
Waxana uu Essien ku tilmaamay Mourinho in uu u yahay aabe oo kale maadaama uu ka soo waday Lyon keenayna Stamford Bridge.
Sidoo kale waxa laga yaabaa in kulanka caawa ee Real Madrid inuu safto Kaka oo tababar xoog lehisaguna qaadanayay maalmihii la soo dhaafay.
Kaka ayaa la sii joogaya Real Madrid kadib markii uu kuguuleysan waayay mar kale in uu ka tago kuna biiro koox kale.
Kooxda Real Madrid ee caawa ciyaaraysa kulanka Granada
Casillas, Adan, Pacheco, Sergio Ramos, Marcelo, Albiol, Pepe, Arbeloa, Varane, Ozil, Alonso, Essien, Modric, Callejon, Di Maria, Kaka, Cristiano Ronaldo, Benzema, Higuain