
Ciyaaryahanka reer Ghana ayaa Los Blancos amaah ahaan ugu soo biiray maalintii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga, lakiin lama fileynin inuu si dhaqso ah ugu ciyaari doono kooxda madaama uu dhibaato ka qabo jilibka.
Si kastaba wargeyska AS ayaa sheegaya in Essien uu ka faa’ideystay inaan looga soo yeerin xulkiisa qaranka Ghana isbuucaan, isagoo si adag ugu tababaranaya xarunta tababarka Madrid ee Valdebebas, iyadoo la sheegay in Jose Mourinho uu la dhacay qaabka adag ee uu u shaqeynaayo ciyaaryahanka, waxaana uu si aad ah uga fiirsanayaa inuu ku soo bilaabo ciyaaryahankii uu hore macalin ugu soo ahan jiray Chelsea kulanka habeenka sabtida ay la leeyihiin Sevilla.
“Essien waxaa sida wiil yar oo kabo cusub heysta” ayuu yiri qof koox ka tirsan oo uu wargeyska soo xiganayo.
“Markii uu Chelsea joogay waxaa nasiib darro ku ahaa dhaawacyada, lakiin haatan waxa uu ogyahay in Jose Mourinho uu siiyay fursad labaad oo uu ku soo muuqdo.”