
magaalo oo qaarada yurub ah in lagu qabto koobka.
Turkey ayaa ugu cadcad inay martigeliyaan koobka Euro 2020, lakiin u tartankooda
martigelinta ayaa waxa ay kala kulmeen dhib madaama sidoo kale Istanbul ay
dooneyso in isla sannadkaas ay martigeliyaan ciyaaraha Olimbikada adduunka.
Waxaana Platini uu xaqiijiyay in qorshe kale ay ka fekerayaan, iyadoo laga yaabo in
koobka ay martigeliyaan wax ka badan hal ama labo wadan.
“Koobka Euro 2020 waxaa laga yaabaa in lagu qabto Europe oo dhan” ayuu yiri Platini.
“Waxa ay noqon kartaa hal wadan iyo 12 garoon ama hal garoon iyo 12 ama 13
magaalo”.
Platini ayaa xaqiijiyay in go’aanka ugu danbeeya la qaadan doono Janaayo ama Febraayo
sannadka soo socda.