
Koox taageerayaal ah ayaa dhawaan xareeyay dacwad dhanka sharciga ah oo ay kaga soo horjeedeen Rossoneri, madaama ay dareensan yihiin in laga iibiyay tikidhada xilli ciyaareedka cusub iyadoo loo sheegay balan been ah oo ku aadan in Ibrahimovic iyo Thaigo Silva ay kooxda sii joogi doonaan. Kooxda San Siro ka dhisan ayaa haatan go’aansatay inay u celiso lacagta kuwa doonaya inay iska kansalaan tikidhada xilli ciyaareedka soo socda ee ciyaaraha ay martigelineyso AC Milan.
Milan waxa kale ay sheegtay warbixin ay soo saartay in dacwada laga xareeyay ay tahay mid aan sal iyo raad toona laheyn.
Marka laga soo tago Ibrahimovic iyo Thiago Silba, Milan sidoo kale waxaa ka tagay rag ay ka mid yihiin Filippo Inzaghi, Clarence Seedorf, Alessandro Nesta iyo Gennaro Gattuso.