
Ciyaaryahanka reer Spain ayaa ka tagay kooxda ka dhisan caasimada ka dib hal xilli ciyaareed oo uu la joogay, waxaana uu hal sanno amaah ah ugu biiray AC Milan.
Ciyaaryahankii hore ee Barcelona ayaa shalay ku baasay tijaabada caafimaadka, waxaana maanta loo soo bandhigi doonaa saxaafada, isgaoo noqon doona ciyaaryahankii ugu danbeeyay ee lagu soo kordhiyo kooxda Massimiliano Allegri.
Rossoneri ayaa diiradooda u weeciyay saxiixa 22 jirkaan horaantii isbuucaan ka dib markii ay ku guuldareysteen isku daygoodii ay Kaka kala soo wareegi lahaayeen Real Madrid.
Xilli ciyaareedkii hore Bojan ayaa 33 kulan u saftay Roma, isagoo dhaliyay todobo gool.
Dhinaca kale Barcelona ayaa ku shaacisay website-keeda in u dhaqaaqista Bojan ee San Siro inaysan saameyn ku yeelan doonin heshiiskoodii hore ee ahaa in ciyaaryahanka ay dib u soo iibsan karaan xagaaga soo socda sida ay isku afgarteen Roma.
“Barcelona waxaa lagu soo wargeliyay in Bojan Krkic uu ka tagay AS Roma oo uu ku biiray AC Milan. Ciyaaryahanka waxa uu hal sanno amaah ahaan ugu ciyaari doonaa Rossoneri” ayaa lagu yiri warbixinta ay soo saartay Barca.
“Heshiiska labada kooxood ee Talyaaniga saameyn kuma yeelan doono heshiiskii hore ee dhexmaray AS Roma iyo Barcelona”