
Milkiilaha Chelsea ayaa u bartilmaameedsaday in weeraryahanka Colombia uu yahay xiddiga xiga ee uu doonayo inuu yimaado Stamford Bridge, waxaana uu ku amray shaqaalihiisa Chelsea inay diyaarinayaan dalab ay kula soo wareegaan bisha Janaayo marka uu furmo suuqa kala iibsiga.
Xiddiga kooxda Atletico Madrid ayaa xiiseynayay Chelsea markii uu joogay Andre Villas-Boas, waxaana kooxda ay indha indheyn ku waday muddo badan inkastoo tababaraha reer Portugal la ceyriyay.
Madaxda Chelsea ayaa la fahamsan yahay inay kalsooni ku qabaan inay heshiis la gaari karaan Atletico Madrid, iyadoo ciyaaryahanka uu u furan yahay inuu u dhaqaaqo London, halka kooxda reer Spain ay diyaar la tahay inay iska iibiso. Laakiin caqabada kaliya ee ka horimaan karta waa qiimaha ciyaaryahanka.
Falcao ayaa heshiikiisa Atletico Madrid lagu burburin karaa 46 milyan ginni, mana dooneyso Atletico in lacag intaas ka yar ay ku weyso hantideeda ugu qaalisan.
Chelsea ayaa isku dayi doontaa inay wada xaajood ka gasho qiimo intaas ka yar, laakiin jaceylka uu Abramovich u qabo inuu Falcao ku arko maaliyada buluuga ah ayaa keeneysa in kooxda ka dhisan galbeedka London ay sameyn doonto wax walba ay ku qaadato inay la soo saxiixato 26 jirkaan.