
reer Hungarian ka dib markii weeraryahanka Barcelona uu beeniyay wareysigii ay
daabacday oo uu ku sheegayay in markii La Masia uu joogay ay asxaabtiisa u maleyn jireen doqon.
Majalada Kepes Sport ayaa shalay daabacday wareysi ay ku sheegeen inay la yeesheen
laacibka sannadka adduunka, kaasoo ku qiranayay in Cesc Fabregas uu u sheegay in
markii uu yaraa ay u maleyn jireen inuu doqon doqon ahaa madaama uu
aamusnaa.
Laakiin xiddga reer Argentina ayaa u sheegay TV-ga Argentina Teleam in wareysigaas uu
yahay mid been abuur ah.
“Wareysigaas maba ahan mid jira” ayuu Messi u sheegay Teleam.
“Waxaan jeclahay inaan beeniyo inaan wareysigaas sameeyay gabi ahaanba”.
“Waxaan leeyahay xuquuqda aan talaabo sharci ah kaga qaado majalada Kepes Sport” ayuu
hadalkiisa ku koobay.
Messi ayaa tababar dib u la bilaabi doona Barca isniinta, ka hor kulankoodda
saaxiibtinimo ee Hamburg ay la leeyihiin 24ka July.