
Modric ayaa weli diirada u saran Real Madrid, Paris Saint-Germain iyo Manchester United. Tottenham ayaana garwaaqsatay inay xagaagan waayi doonto ciyaaryahankooda khadka dhexe ka dib markii Modric uu u sheegay inuu doonayo inuu kooxda ka tago.
Villas-Boas oo kulankiisii ugu horeeyay ee Tottenham xalayto guul 2-0 ku hogaamiyay kulan saaxiibtinimo ayaana sheegay in kooxda ay ceshan doonto ciyaaryahanka ilaa iyo inta dalabka saxda ah uu ka imaanayo.
“Waxaa jira xiiso iska socda oo ku aadan Modric oo ay doonayaan seddex kooxood oo kala duwan. Lakiin muhim ayay u tahay Tottenham inay ku dheganaato xuquuqdeeda”.
“Xaaladiisa sidaan ayay sii ahaan doontaa ilaa qiimaha saxda ah aan ku heleyno. Luka waa nin caqli leh waana uu ka warqabaa in kooxda ay difaaceysa qiimihiisa iyo qiimaha kooxda iyo faa’idada kooxda”.
“Dalabyada la soo bandhigay lama aysan mid noqon midka uu doonayo gudoomiyaha kooxda. Hadii lacagta uu gudoomiyaha doonayo la soo bandhigo markaas dhibaatooyin ma jiri doonaan”.