
City ayaa waxa ay kula kulmeysaa Bernabeu Madrid kulan si weyn loo sugayo oo ah bilowga horyaalka Championka kadib markii labada koox ay ka mid noqdeen Guruub D oo ay sidoo kula jiraan Borussia Dortmund iyo Ajax.
Mucaaridnimada labada koox ayaa sii korortay kadib markii kooxda lacagta badan qarash gareysa la sheegay in ay dooneyso Cristiano Ronaldo oo khilaaf uu soo kala dhex galay isaga iyo kooxdiisa.
Iyadoo la weydiiyey Mourinho in uu walwal ka qabo in ay arrintaas sameeyaan City ayaa waxa uu ku jawaabay “ Waxaan leenahay awood iyo taariiq aan ciyaaryahanadeena waaweyn aan ku ilaalsano.
‘Madrid, Barca, Bayern, kooxahaas waxa ay leeyihiin taariiq gaar ah, koobabka horyaalada iyo koobabka Yurub,taariiqda,taageerayaasha waa waxyaabo aadan ku gadan karin lacag.
‘Laacibiinta waaweyn waxa ay doonayaan inay kooxahaa oo kale ka mid ahaadaan, saddexda aan soo sheegay iyo qaar kale oo koobab haysta ku dhowaad hal qarni.’
Tababarihii hore ee Chelsea ayaa waxa uu qirey in hantida badan ee uu geliyay kooxda Sheikh Mansour uu ku heli karo guusha koobka Championka maadaama uu bishii May uu ku guuleystey koobka Premier League.
Mourinho ayaa waxa uu ka digey in UEFA sharcigeeda Financial Fair Play ay xadidi doonto lacagaha ay qarash gareynayaan kooxaha City iyo Paris Saint-Germain.
‘Manchester City waa koox awood leh waxaana ku jira ciyaaryahano heer sare ah,’ayuu ku daray Mourinho.
‘City waa koox loo dhisey inay ku guuleysato Champion League. Ujeedada maalgelinta oo sanadba sanadka ka dambeeya waa in lagu qaado European Cup.
‘Laakiin, waxaa ay ku adkaan doontaa kooxaha aan si wanaagsan u dhisnayn inkastoo ay lacago badan haystaan.