
Daafaca reer Portuguese Pepe ayaa ku soo kabsan waayay kahor kulanka Axada balse waxaa uu tababar la qaata kooxda Jimcihii kadib markii uu dhowaan madaxa uu dhaawac ka soo gaaray, Pepe ayaan tababarka la qaadan kooxda gelinkii hore ee Sabtidii.
Dhinaca kale Kaka, oo la sheegay in wadahadalo ay ka leeyihiin Madaxweyne ku xigeenka Milan iyo madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa sidoo kale laga reebay kooxda u safraysa Getafe.
Wiilka da’da yar ee Alvaro Morata ayaa la xaqiijiyey in lagu dary kooxda iyadoo uu hore Mourinho shir jaraa’id ugaga sheegay.
Kooxda Real Madrid ee la ciyaaraysa Getafe
Casillas, Adan, Jesus, Sergio Ramos, Marcelo, Coentrao, Albiol, Arbeloa, Varane, Ozil, Xabi Alonso, Granero, Khedira, Lass, Callejon, Di Maria, Cristiano Ronaldo, Benzema, Higuain, Morata