
Mourinho ayaa dhaleeceyn dusha kaga tuuray kooxdiisa ka dib guuldaradoodii labaad ee La Liga xilli ciyaareedkan, taasoo keentay in sideed dhibcood ay ka danbeeyaan kooxda ay xafiiltaaman ee Barcelona.
“Koox ma heysto, waxaan doonayay inaan bedelo 7 ciyaaryahan xilligii nasahada” ayay aheyd hadaladii uu yiri Mourinho ka dib guuldaradii Sevilla, waxaana ay taasi keentay inuu ka hadlo madaxweynihii hore ee Madrid Ramon Calderon.
‘”Hadaladii Mourinho ma aysan caawinin kooxda sinaba. Ciyaartoyda waxa ay si sahlan u dhihi karaan inaysan heysan tababare haatan” ayuu Calderon u sheegay RAC1.
“Waa ay fiicnaan laheyd in guuldarooyinkaan loo arko wax kama ku yimid. Qiyaas in ciyaartoyda aysan ku faraxsaneyn hadalada Mourinho.
“Waxaan aaminsanahay in ciyaartoyda ay si rasmi ah ciyaartoyda ugu hibeeyeen kooxda. Ciyaartoyda waxa ay ku soo bandhigayaan garoonka wax walba oo ay awoodaan.”
Kooxda Real Madrid oo baadigoob ugu jirta La Decima oo ah koobkoodii 10aad ee Champions League ayaa la ciyaari doonta kulanka ugu horeeya ee xilli ciyaareedkan Manchester City oo ay ku marti qaadi doonaan Santiago Bernabeu.