Messi ayaa jabiyay rikooro badan xilli ciyaareedkan intii uu socday oo ay ku jirto 50 gool oo uu shabaqa soo taabtay horyaalka La Liga, lakiin Mourinho ayaa aamisan in 46dii gool ee uu dhaliyay Ronaldo inay ka qiimo badan yihiin sababtoo ah waxa ay ka cawiyeen Los Blancos inay horyaalka ku guuleystaan.
“Cristiano waa qasab inuu noqdo ciyaaryahanka ku guuleysta Ballon d’Or, ma ahan inuu ahaa ciyaaryahankii gooldhalinta qaaday, lakiin sababtoo ah goolashiisa ayaa lagu qaaday horyaal” ayuu tababaraha reer Portugal ku sheegay wareysi uu siinayay SIC.
“Messi waxa uu dhaliyay 50 gool oo aan wax micno laheyn, sida Cristiano uu u dhaliyay 42 gool xilli ciyaareedkii hore oo aan micno laheyn”
“Cristiano ma uusan awoodin inuu ku guuleysto abaalmarinta gooldhalinta, lakiin waxaan qabaa inuu ku guuleysan karo Ballon d’Or”.