
Tababare Mourinho ayaa waxa uu aaminsan yahay in horyaalka La Ligaha uu yahay kan ugu wanaagsan adduunka marka laga hadlayo kooxaha waaweyn, Waxana uu sidoo kale aaminsan yahay in tartanka u dhexeeya labada koox ee waaweyn ay meel sare gaarsiisay La Ligaha.
“Waxaan ka hadlaynaa waa Barcelona iyo Real Madrid, labo koox oo waaweyn. Soo qaad koox kale oo dunida ka dhisan, kuma galayso kaalinta 1aad ama tan 2aad La Liga,”ayuu Mourinho u sheegay told AS.
“Waana taas sababta saxda ah ee aan uga mid noqday Real Madrid. Ma aha mid fudud in lala tartamo Barcelona. Aad ayayna u adagtahay in tartankan lagu guuleysto.
Mourinho oo ka hadlay horyaalada kale ee caalamka ka jira ayaa yiri:
“Noloshu aad ayay u sahlan tahay horyaalada kale oo dhan. Horyaal kasta oo aadan a tartamayn Barcelona wuu fudud yahay. Barca ayaa ah sababta ugu muhiimsan ee Madrid ay u gaartay halka ay joogto maanta, sababtoo ah waxay geeyeen jaranjarada ama salaanka meel aad u dheer. Xilligii ay Barcelona si isku xigta ugu guuleysanaysay Ligaha waa dhamaaday, balse weli meertadeedii ma dhamaan. Waa koox weyn Madridna waa la mid. Tartanka u dhexeeya Madrid iyo Barcelona waxa uu u yahay sharaf kubbada cagta. Ma hayo tiro ahaan laakiin Spanish Supercopaha waa ka daawadayaal badnaa ciyaaro badan oo Championka ka mid ah dhowaan.”
Madrid ayaa ku guuleysatay Supercup iyadoo guushaana ay ahayd mid ku timid goolasha ay ku soo dhalisey banaanka. 2-1 oo ay minankeeda ku badisey iyo 3-2 oo banaanka(minanka Barca) loogaga soo badiyey.