
Mustaqbalka xiddiga reer Uruguay ayaa shaki la gelinayay markii milkiilahaan 63 jirka ah uu sheegay qamiistii inuu ku faraxsanaan doono inuu keyd geliyo Cavani hadii uu dalbado in mushaharka loo kordhiyo.
Si kastaba, De Laurentiis ayaa haatan soo xiray wararka la isla dhexmarayo ee ku aadan mustaqbalka 25 jirkaas, isagoo sheegay in lacagta lagu iibsano xiddigiisa inay noqon doono lacag rikoor ah.
“Cavani iib ma ahan, lakiin waxaan ku fasaxi karnaa kaliya 100 milyan euro” ayuu u sheegay Sky Sport Italia.
“Ma ahan qiimahan qiimihiisa saxda ah, lakiin aniga ayuu qiimahaas ila joogaa, wax intaas ka yarna inoogama tagi doono” ayuu hadalkiisa raaciyay.