
Nasri ayaa ka careysiiyay Gunners ka dib markii uu ka doortay City xagaagii hore, waxaana uu dib isaga riixay taageerayaasha eedeeynayay isagoo yiri mar sii horeysay: “U dabaaldega kaalintiina seddexaad, anigana waxaan diirada saari doonaa inaan koobab ku guuleysto”.
Xiddiga reer France ayaa haatan mar kale hadalo weerar ah ku qaaday Arsenal, isagoo sheegay inuu ka baxay xilligii uu ku riyoon jiray inuu koobab ku guuleysto.
Nasri ayaa yiri sida ay qortay Daily Mail: ‘Waan ku faraxsanahay inaan ka tagay Arsenal sababtoo ah City ayaa tartan ahaan ka wanaagsan islamarkaana koobab ku guuleysaneysa, kaliya kuma riyoodaan inay ku guuleystaan”
“ 300 mar ayaan sheegay Arsenal ugama aanan tagin lacag darted, waxaan uga tagay arimo Isboorti, hadii aysan dadka I aamineynin, waa iyaga iyo dhibtooda”.
Nasri ayaa sidoo kale ka hadlay fursada xulkiisa uu u heysto inuu garaaco England kulanka ugu horeeya ee Group D, isagoo sheegay in waxa niyadooda ku jira ay tahay inay badiyaan.