
Daafaca dhexe ayaa u muuqday inuu United geliyay xaalad adag in ka yar daqiiqad markii ay ciyaarta socotay markaasoo uu diilinta ganaax qalad kula galay Umut Bulut. Si kastaba, inkastoo ay si aad ah ugu dacwoodeen kooxda Turkiga inay rigoore tahay hadana garsoore Wolfgang Stark ayaa diiday inuu rigoore tilmaamo.
Weli, inkasto garsooraha uusan qalad ku helin, Vidic ayaa si degdeg ah u qirtay inuu aaminsan yahay inuu xaqiiqdii qalad ku galay weeraryahanka Galatasaray.
Waxa uu u sheegay suxufiyiinta ciyaarta ka dib: “Waxaan qabaa malaha inaan rigoore galay. Xaalad adag ayay ku aheyd garsooraha, waa ay ku adkeyd inuu arko. Waxaan qabaa waxa ay aheyd in hal rigoore la inagala dhigo, lakiin guud ahaan waan u qalanay inaan badino.
“Waxaan dhalinay gool xilligii saxda ahaa, lakiin hadana waxaan aaminsanahay inaan qalqal ku ciyaarnay 10 ilaa 15 daqiiqo. Qeybtii labaad anaga ayaa awood badneyn.
“Kulanka ugu horeeya Champions League mar kasta waa adag yahay. Waxaan ku bilaabanay si fiican, lakiin ka dib waxaan sameynay qaladaad dhibaato inoo keenay. Dhamaadkii walwal ayay aheyd, waxaan difaac galnay in ka badan intaan dooneynay, lakiin waxa ugu muhimsan ayaa ah inaan seddexda dhibic helnay.”
Goolka kaliya ee ciyaarta ayaa waxaa dhaliyay Michael Carrick daqiiqadii 7aad, lakiin Nani ayaa fursad uu ciyaarta hurdo ugu diri karay ka qasaariyay United markii rigoore laga qabtay.
Waa rigooradii seddexaad oo United ay qasaariyaan ka dib markii kulankii Wigan ee Premier League laga qabtay Javier Hernandez halka Robin van Persie uu isna rigoore qasaariyay Premier League xilli ciyaareedkan.