
Xiddiga reer Argentina ayaa la rumeysan yahay inuu ka mid yahay raga ugu cadcad inay ku guuleystaan xiddiga sannadka adduunka ka dib markii 73 gool uu u dhaliyay Barcelona xilli ciyaareedkii hore tartamada oo dhan.
Neymar ayaa badanaa lala barbardhigaa Messi, lakiin 20 jirkaan ayaa meesha ka saaray inuu tartan ugu jiro abaalmarinta, isagoo sheegay inuu rajeynayo in xiddiga Barcelona uu ku guuleysto.
“Aniga? Maya, Ballon d’Or waxaa iska leh Messi, kaasoo ah ciyaaryahanka adduunka ugu fiican, ma jiro qof isaga la mid ah” ayuu Neymar u sheegay Mundo Deportivo.
“Waa uu ku guuleysan doonaa, waa ninka ugu weyn. Waxa uu la soo baxaa waxyaabo cusub ka dib ciyaar kasta. Haa, haa Ballon d’Or kale iyo Messi. Dhamaanteen waa ognahay inay sidaas tahay”.
Messi, oo ah ciyaaryahanka abid ugu goolasha badan Barcelona ayaa barbareeyay Michel Platini bishii Janaayo markii uu ku guuleystay markii seddexaad oo isku xigta Ballon d’Or.