
Sahin ayaa diirada u saarnaa xagaagan Gunners ka hor inta uusan amaah hal sanno ah uga soo dhaqaaqin Real Madrid oo uusan ku biirin Liverpool.
Haatan, waxa uu qarka u saaran yahay inuu kulankiisii ugu horeeyay u ciyaaro Reds marka ay martigelinayaan kooxda Arsene Wenger kulamada seddexaad ee Premier League.
Markii wax laga weydiiyay hadii uu Sahin ciyaari doono kulanka Arsenal, Rodgers ayaa u sheegay website-ka kooxdiisa. “Haa. Nuri waxa uu halkaan u yimid inuu guuleysto, waana ciyaaryahan sidaas oo kale ah waxa aan rabno.
“Marka aad ku aragto tababarka waxa uu leeyahay farsamo fiican. Waxa uu fahamsan yahay ciyaarya, waxa uu ciyaaraa isagoo dhoolacadeynaya. Waa nin fiican, caaqil ayuuna ku yahay garoonka dhexdiisa.”
Kaliya hal dhibic ayay ka heleen labadii kulan ee ay ciyaareen. Rodgers ayaana ka warqaba in kulanka maanta uusan aheyn mid sahlan iyadoo kooxdiisa ay wajaheyso kulan kale oo adag.
“Waan ka warqabnaa inta ay la egtahay howsha na hortaala. Waxaan ina horyaalka kulan aad u adag oo aan la leenahay Arsenal. Waxa ay si joogta ah ugu tartamayeen Top 4 muddo sannado ah, waxaana ay doonayaan inay sannadkan mar kale halkaas gaaraan.
“Waa inaan boqolkiiba boqol diirada saarnaa qaab ciyaareedkeena. Hadii aan si fiican u ciyaarno oo aan farsamo ku darno ciyaarteena, waxaana heysanaa fursad aan ku badin karno.”