
Warar Talyaaniga ka soo baxayay ayaa sheegayay in kooxda heysata horyaalka La Liga ay qorsheyneyso inay Fernando Gago iyo 10 milyan euro ay kula soo wareegto weeraryahankan oo xagaagii hore ku soo biiray Roma.
Xiddigii hore ee kooxda Espanyol ayaa sheegtay in weli uusan wax dalab ah ka helin Madrid, lakiin waxa uu shaaca ka qaaday in Zidane uu qabo inuu tayo ku soo kordhin karo Los Blancos.
“Waan maqlay wararka xanta ah ee ku aadan Real Madrid iyo xiiseynta ay i xiiseynayaan” ayuu Osvaldo u sheegay ESPN.
“Lakiin waxba kama aanan maqlin, ama wax dalab ah kama helin” ayuu hadalkiisa raaciyay.
“Dhawaan kulan tabarucaad ah oo aan ka qeygalay, Zinedine Zidane ayaa ii sheegay inuu jeclaan lahaa inuu igu arko anigoo Madrid u ciyaaraya”.