
Xiddiga reer Portugal ayaa dhawaan sheegay inuusan ku faraxsaneyn Bernabeu, waxaana taajirka reer Qatar ee iska leh kooxda horyaalka Faransiiska ka dhisan uu sheegay inuu soo iibsan karo 27 jirkaan.
“Marka aan dooneyno Cristiano, waxaan kala xaajoon doonaa Real Madrid” ayuu Al Khelaifi u sheegay Marca.
“Hadii uu murugeysan yahay, markaas isaga ayaan la hadli doonaa.”
PSG ayaa ku qarashgareysay suuqa kala iibsiga labadii xilli ciyaareed ee u danbeysay 257 milyan euro, iyagoo la soo wareegay ciyaaryahan magac weyn leh sida Zlatan Ibrahimovic, Javier Pastore, Thiago Silva iyo Ezequiel Lavezzi.